Diego Simeone Oo Kala Doortay Neymar JR Iyo Kylian Mbappe

0
34

Tababaraha kooxda kubada cagta Atletico Madrid Diego Simeone ayaa shaaca ka qaaday in cida uu taagerada badan u hayo ciyaartooyda Kylian Mbappe iyo Neymar JR oo kawada tirsan kooxda PSG.

Mbappe iyo Neymar ayaa ah xirfadlyaasha kubada cagta ugu qaalisan,kadib markii Neymar uu bishii August ee sanadkii tagay soo caga dhigtay France halka Mbappe isaguna uu ka soo hawa gadistay naadiga Monaco oo uu ku soo hana qaaday.

Neymar ayaa 32 gool dhaliyay 35 kulan uu PSG u ciyaaray,Mbappe ayaa isna dhankiisa 25 ciyaarood shabaqa gaaray 47 kulan uu garoonka u soo galay kooxda ku ciyaarta Parc De Princess.

Image result for diego simeone And Neymar

Marka laga soo tago in da’ ahaan uu todobo sano ka hor yahay Neymar,tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa doortay kabtanka Brazil,sababo la xiriira sida uu fahansanyahay farsamooyinka looga baahanyahay garoonka gudihiisa.

“Waqtigii Barcelona uu majaraha u hayay Luis Enrique Neymar waxa uu ahaa mid kooxda ka dhex muuqda mar walba oo loo baahanyahay,Mbappe waa mid shaqsiyadiisa la jecel in uu ka dhex muujiyo gudaha garoonka malahan boos muuqda laakiin Neymar waxa uu leeyahay hal boos oo diyaar uu ku yahay”ayuu tababaraha reer Argentina u sheegay warsidaha Cadena Cope oo gudaha Spain ka soo baxa.

Ugu danbeyn Mbappe ayaa xulkiisa France ku hogaamiyay in taariikhda markii labaad ay ku guuleystaan koobka aduunka,dhacdadii Ruushka lagu qabtay halka Neymar oo Brazil u ciyaarayay qarankiisa tartanka looga ciribtiray heerka sideed dhamaadka,kadib markii dhirbaaxo ay kala kulmeen Belgium oo booska sadexaad ka galay koobkii aduunka ee 2018.

 

lAWADAAG ASXAABTA KALE
Previous article