Dekedda Fc Oo Xaaqaday Dhigeeda Banaadir SC Xilli Sakariye Towfiiq Uu Dhaliyay Seddexley

0
228

Kulan aad u xiisa badnaa oo shalay dhexmaray Kooxaha Dekeda Fc iyo Banaadir SC, ayaa waxa uu ka dhacay Garoonka Banaadir Stadium ee Degmada C/Casiis, kulan ka tirsanaa tartanka Jeneraal Daa,uud, iyadoo Ciyaartii shalay ay ka soo baxday Natiijo aysan ku qancin taageerayaasha kooxda Banaadir.

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiisa badnaa, ayaa waxaa Ciyaarta Si aada ugu Gacan sareysay Kooxada Dekeda FC oo shalay soo bandhigtay Kubad aad loogu riyaaqay.

Sakariye Towfiiq oo weerarka uga Ciyaara Kooxda Dekeda, ayaa shalay ka yaabsaday kooxda Banaadir SC iyo waliba Taageerayaashooda, ka dib markii uu Laacibkaan uu Seddexleey ka dhaliyay Kooxda Banadir SC.

Seddex Gool uu dhaliyay Sakariye Towfiiq, ayaa jihaddi ka lumisay kooxda Banaadir, iyadoo Xitaa isku dayiweysay Banaadir inay la timaad Halkoo Gool.

Banaadir oo Seddxda Gool layaaban, ayaa markale Shabaqooda La gaaray, iyadoo Ciyaarta ay noqotay 4-0 in ay ku awood sheegato kooxda Dekeda Fc oo sanadkaan loo saadaalinayo inay ku guulaysan karaan Tartanka Jeneraal Daa,uudka.