Degmooyinka Hodan iyo Deyniile oo isku garab dhacay

0
198

Iyadoo Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir uu marayo meel aad u xiisa badan, ayaa shalay waxaa is arkay Degmooyinka Hodan iyo waliba Degmada Deyniile oo shalay ku ciyaarayay Garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan waxayna Ciyaartu ahyd mid aad u xamaasad badan.

Ciyaarta oo ku biilabatay Jawi aad u fiican oo Labada Kooxoodba ay soo bandhigayeen Ciyaar wanaag, ayaa ciyaarta Goolkii 1-aad waxa heshay Degmada Deyniile oo shalay u muuqatay Koox kubadeedu ay aad u wanaagsantahy, laakiin inta aan la aadin nassinada Kulanka, ayaa Degmada Hodan waxa ay iska soo guday Goolkii lagu lahaa iyadoo Ciyaarta ka dhigtay bar-baro 1-1 ah, sidaas ayaana qeybtii 1—aad ee Ciyaarta lagu kala nastay.

Markii dib la isugu soo laabtay, ayaa Degmada Hodan waxa ay Garoonka la soo gashay dar-dar xoogan oo ka duwan tii ay qeybtii 1—ad ku ciyaaraysay waxayna Hodan muujisay inay tahay Degmo halis ku noqonkarta Degmooyinka kale ee u soo baxaya Tartankaan.

Degmada Hodan, ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta la timid Goolkeedii 2-aad, waxayna hogaanka markaan u qabatay Dhigeeda Deyniile, balse Degmada Deyniile oo ka cararaysay inay Tartankaan isaga harto, ayaa la timid Goolkii lagu lahaa, waxayna Ciyaarta guud ahaan ku soo gabagabowday bar-baro 2-2.