Degmooyinka Boondheere Vs Shangaani iyo Wadajir Vs Warta Nabadda oo galabta balansan

0
194

Galabta, ayaa la filayaa in Garoonka Banaadir Stadium ay isku farasaaran Degmooyinka Wada jir iyo Degmada Warta nabadda halka Kulanka kalene uu dhexmari doona Degmooyinka Boondheere iyo Shnagaani, waana kulamo aad u xiisa badan.

Ciyaarta ugu soo horeysa, ayaa dhexmari doonta Degmooyinka Boondheere iyo Degmada Shangaani, wanaa ciyaar la filayo inay soo gasho 2:00 Duhurnimo.

Kulanka kale, ayaa isagana u dhexeyn doono Degmooyinka Wadajir iyo Degmada Warta nabadda, waxaana Ciyaartaan la baasan doono saacadu markey tahay 4:00 Galabnimo.

Natiijooyinka kulamadaan ka tirsan Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, wixii ku soo kordha waan idin la socod siin doonaa.