DEG DEG: Xidigaha Maamulada Puntland Iyo Jubbaland Oo Muqdisho Soo Gaaray

0
337

Waxaa Goor dhaw Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho soo gaaray Ciyartooyda kala matalaysa Maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo ka qayb galaya Tartanka Maamul Goboleedyada oo markale Muqdisho loo soo wareejiyay.Xiddigahaan, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeysay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Marwo khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ayna Kulamo gaar gaar ah la qaadatay Xiriirada Kubada Cagta ee Labadaasi Maamul.

Maamulka Puntland, ayaa sanadkaan ah Kan Difaacanaya tartanka Maamul Goboleedyada Dalka oo ay markale Muqdisho Nasiib u yeelatay inay marti galiso, xilli laga soo wareejiyay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Gobolka Jubadda Hoose.

Waxaa Xusid mudan in Labada Maamul ee Maanta soo gaartay Muqdisho ay yihiin kuwii sanadkii hore isugu soo haray Tartanka Maamul Goboleedyada oo ay Puntland ugu danbeyn hanatay.

 

Waxaa Qoray: Yusuf Abdulahi Mohamed