Kabtankii kooxda Kubada Cagta ee Heegan Jabriil xasan Fariid ayaa Ku Biiray Koox Ka dhisan Dalka Turkiga.

Jabriil xasan Fariid ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in uu ka Dhoofo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaariyahanka oo ka Hadlay Safarkiisa ayaa sheegay in uu ku Wajahnyahay Dalka Turkiga si uu u dhameystiro ku Biirista koox ka dhisan Dalka Turkiga.

Jabriil ayaan shaacin Magaca Naadiga uu ku Biiri doono waxaana uu sheegay in Heshiiska uu la galayo kooxda reer Turkey ay ka wada Hadli doonaan Marka uu Tago Dalka Turkiga.

Jabriil xasan Fariid oo Heegan ku Biiray 2010 ayaa Haatan soo Gaba-Gabeeyay u Ciyaarista kooxdiisa Heegan oo uu ku soo Qaatay waqtigii ugu Qurxoonaa Xirafdiisa Ciyaareed.

Jabriil ma ahan Ciyaariyahankiii ugu Horeeyay ee ka Ciyaarayay Horyaalka Heerka koowaad ee Soomaaliya  oo ku Biira Kooxo ka dhisan Dalka Dibadiisa.

Ciyaariyahanka Jabriil oo Hadlay ka hor safarkiisa ayaa wuxuu si wanaagsan u macsalaameyay Jamaahiirta Kooxda Booliska Soomaaliyeed ee Heegan FC oo uu sheegay in marnaba uusan ioobi doonin.

Tagitaanka Jabriil ayaa aad waxaa dhabar jab weyn ugu Noqon doontaa kooxda Heegan maadaama uu ahaa Hogaamiyaha Kooxda Marka lagu Jiro Gudaha Garoonka iyo Hogaamiyaha weerarka ee kooxda Heegan.

Bixitaanka Xidiga Qaranka Soomaaliya ayaa ku soo Beegmaya xili Kooxdiisa xagaagan ay sameysay saxiiixyo waaweyn oo ay ka soo Qaadatay Kooxo ka Ciyaara Horyaalka Soomaaliya kuwaa oo ay doonayaan in ay u suura galiyaan hanashada horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.