David De Gea Oo Niyada Ka Dilay Taagerayaasha Real Madrid Kadib Go’aankii Zidane

0
116

Goolhayaha xulka qaranka Spain iyo Manchester United ee David de Gea ayaa shaaciyey in aanu ka tegaynin kooxdiisa oo uu ku dareemayo farxad.

De Gea oo muddo dheer ay daba-socotay Real Madrid, isla markaana la aaminsan yahay inuu ka mid yahay ciyaaryahannadii uu ka dhashay khilaafkii u dhexeeyey maamulka sare ee Real Madrid oo sababay inuu iscasilo Zidane, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxdiisa, wakhtiganna aanu niyadda ku haynin inuu meel kale u wareego.

“Shakhsiyan halkan ayaan ku faraxsanahay, mar walbana waxa aan diiradda saarayaa xulka qaranka” ayuu yidhi De Gea oo wakhtigan ka tirsan xulka qaranka Spain ee u diyaar garoobaya Koobka Adduunka ee toddobaadka dambe ka furmi doona waddanka Ruushka.

Goolhayahan 27 jirka ah waxa uu tibaaxay in kulanka ugu horreeya xulka dalkiisu uu muhiim u yahay inay guuleystaan, maadaama ay iska hor imanayaan waddanka Portugal, waxaanu yidhi: “15 June waa taariikh muhiim ah. Koobka Adduunku muhiim ayuu noo yahay, waana inaanu si fiican u ciyaarno.”