Dani Carvajal Oo Ka Soo Muuqday Tababarka Xulka Qaranka Spain

0
197
Soccer Football - 2018 World Cup Qualifications - Europe - Spain vs Albania - Estadio Jose Rico Perez, Alicante, Spain - October 6, 2017 Spain’s Isco celebrates scoring their second goal with teammates REUTERS/Heino Kalis

Tababaraha xulka qaranka Spain ayaa helay war farxad leh laba maalmood ka hor bilowga Koobka Adduunka, kaddib markii uu tababarka si buuxda ugu soo laabtay difaaca midig ee Dani Carvajal.

Tababare JJulen Lopetegui ayaa kooxdiisa kusoo dhoweeyey Carvajal oo garoomada ka maqnaa tan iyo finalkii Champions League oo uu dhaawac ku baxay qaybtii hore, hase yeeshee macallinka qaranka Spain ayaa go’aamiyey inuu liiskiisa ku daro isagoo ku jira xaalad hubanti la’aan ah.

Tababarkii Isniintii ayaa uu kasoo xaadiray Carvajal, waxaanu si taam ah ula dhamaystay tababarka ciyaartoyga kale ee xulka isagoon dhibaato dareemaynin.

Dani Carvajal oo Koobkii Qaramada Yurub ee Euro 2016 ku seegay dhaawac, ayaa ku sigtay inuu ka hadho liiska tababaraha oo maalmihii ugu dambeeyey ka fikirayey inuu u yeedho beddelkiisa, hase yeeshee caafimaad qabkiisan ayaa ka dhigay mid diyaar u ah kulanka ugu soo horreeya ee xulka Spain ka hor tegi doono Portugal oo uu hoggaaminayo Ronaldo oo ay Real Madrid u wada ciyaaraan Carvajal.