Bogaga hore ee badi wargeysyada ka soo baxa dalka Portugal ayaa galinkii hore ee maanta daabacay in laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo uu kooxdaasi isaga dhaqaaqi doono.

Mustaqbalka CR7 ee Bernabue ayey calaamad dusha ka saarantahay kadib markii xidigaasi kadib kama danbeysta kulankii UCL ee ka dhacay uu sheegay in ay farxad u ahayd mudada uu soo joogay Bernabue taa oo fasiraado kala duwan laga bixiyay.

Wargeys ka soo baxa dalka Portugal ee Record ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uu isaga tagi doono caasimada Spain go’aankaasina uu yahay mid horay uu u gaaray xidigii hore ee Manchester United isla markaana uu baadi goob ugu jiro halkii uu deegaansan lahaa kadib noloshiisa Madrid.

Record ayaa sidoo kale xaqiijiyay in sababaha uu Ronaldo u faarujinayo Bernabue ay ugu horeyso xiriirka kala dhexeeya madaxweyne Florentino Perez oo xidigan kaga baxay balamo fara badan oo salka ku hayay kordhinta dhaqaalaha kabtanka Portugal uu ka kasbado kooxdiisa.

Ugu danbeyn warkan lama filaanka ah ayaa ku soo beegmaya xili shalay galinkii danbe Ronaldo wakiilkiisa Jorge Mendes iyo wakiilo matalaya Real Madrid ay kulan sadex geesood ah yeesheen kaa oo ay ka soo bexeen qodobo aan raali galin kooxda Los Blancos.