Chelsea Oo Xiddig Ka Ciyaara EPL-Ka Ku Garaacaysa Kooxda Tottenham

0
227

Kooxda Horyaalnimada England haaysta ee Chelsea ayaa ku dhaw ineey Tottenham ku garaacdo xidiga khadka Dhexe uga Ciyaara kooxda Evrton una dhashay xulka England ee Ros Barkly sida aay ila wareedyo soo warinayaan

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, Chelsea ayaa lagu wadaa inay heshoxidigii aay xiiseeyneysay ee Ross Barkley bisha Janaayo. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton ayaa qarka u saarnaa inuu ku biiro Blues xagaagii lasoo dhaafay, lakiin Blues ayaa ku guul dareeysatay maalmihii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Everton ayaa heshiis la gaartay Chelsea oo ku aadan iibinta Ross Barkley maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga. Si kastaba ha ahaatee, qofkasta ayay layaab ku noqotay kadib markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu go’aansaday inuusan ka qeyb galin tijaabada caafimaad ee uu Blues u mari lahaa, islamarkaana diiday inuu dhaqaaqo.

Chelsea ayaan wali ka quusanin saxiixiisa, waxaana la filayaa inay wadahadal la galaan ciyaaryahanka khadka dhexe. Bakley ayaa lagu soo waramayaa inuu sugi doono Everton ilaa koooxda aay tababare cusub  ka yeelato.