Cabdi Qanni Siciid Carab Oo Ka Hadlay Sababihi Ay Soomaliya Uga Hartay Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Africa

0
187

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdi qanni Siciid Carab oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa faah faahin ka bixiyay Sababihii ay soomaaliya uga hartay Tartanka Bariga iyo Bartamaha Qaarada Africa.

Gudoomiyaha, ayaa meesha ka saaray in Soomaaliya aaan gabi ahaan Tartankaan laga saarin Balse ay tartankaan uga Hartay Musiibadii Bishii Hore ka dhacday Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in Ciyaartooydii ku geeriyootay Musiibadaas ay Geeridooda maqleen Todobaad ka dib.

Sidoo kale Gudoomiyaha, ayaa Hadalkiisa intaas ku daray in la yiraahdo tartanka waa laga saaray iyo waa lga baaqday inay tahay wax aad u kala duwan, isagoona dhinaca kale sheegay in Dalalka kale ee ka haray Tartankaan ay iyaguna ug hareen Diyaar garoow la,aan.

Cabdi Qanni Siciiid Carab, ayaa xusay in Sababt ugu weyn ay tahay Xanuunkii soo gaaray Ummada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in Qaranka Soomaaliyeed uu soo kabsan doono.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha, ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Soomaaliya ay Tartankaan uga hartay Dhibaatadii Bishii aynu ka so gudubnay ka dhacaday Muqdisho.