Barcelona Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Agaasimaha Ciyaaraha Ee Kooxdaasi

0
123

Bayaan ay soo saaraty kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa lagu sheegay in heshiis cusub kooxda aysan la gali doonin agaasimaha ciyaaraha ee xiligan Roberto Fernandez oo qandaraaska uu Camp Nou kula jiro uu dhici doono dabayaaqada bishan June.

Barcelona ayaa xaqiijisay in agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona uu noqon doono Eric Abidal oo waqti ka soo ciyaaray kooxdaasi isla markaana xushmad badan looga hayo gudaha garoonka Camp Nou.

Kooxda uu maamulo Ernest Valverde ayaa kaga mahad celisay Roberto Fernandez agaasimaheedii hore ee ciyaaraha dedaalka iyo shaqadii adkeyd uu soo qabtay sadexdii sano ee la soo dhaafay iyadoo nasiib wanaagsan iyo mustqbal heer sare ah u rajeysay.

Eric Abidal ayaa warbaahinta loo soo bandhigi doonaa 18-ka June oo ku beegan maalin Isniin ah afar maalmood kadib marka daaha laga rogo tartanka ugu xiisaha badan kubada cagta ee koobka aduunka.

Ugu danbeyn Roberto Fernandez oo agaasimaha ciyaaraha Barcelona loo magacaabay 2015 ayaa aad loogu eedeeyay doorkii uu ka qaatay qaabkii Neymar uu Barcelona kaga dhaqaaqay iyo sidoo kale saxiixyadiisa oo inta badan ku fashilmay in ay saameyn badan ku yeeshaan Camp Nou.