Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa dooneysa inay badiso dookhyada weerarkeeda ee xilli ciyaareedka dambe iyagoo muddo dheer ku raad jooga weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Balse Blaugrana ayaa dagaal culus la geli doonto kooxda Liverpool si ay uga af duubato weeraryahanka garabka ka duulaanka taga ee Thomas Lemar kaasoo u ciyaara kooxda AS Monaco.

Reds ayaa si aad ah kaga hor martay kooxda Arsenal oo xagaagii hore laacibkan doonaysay, hase ahaatee Jurgen Klopp ay diiradda saaray laacibka kooxda Lyon ee Nabil Fekir inkastoo uu maanka ku hayo lasoo wareegista Lemar.

Laacibka reer France ayaa qudhiisa doonaya Liverpool, si la mid ah waxa uu ku qanacsan yahay inuu Barcelona u dhaqaaqo oo uu u arko inay tahay fursad kale oo cajiib ah.

Naadiga macallin Ernesto Valverde ayaa dooneysa inay kaga faa’ideysato Liverpool mashquulka ay ku maqan tahay Nabil Fekir, waxaana ay doonayaan inay laacibka kooxda Monaco usoo caga dhigaan garoonka Camp Nou.