Kadib markii dhawaan kooxda reer Spain ee Barcelona ay ku dhawaaqday in Eric Abidal uu noqon doono agaasimaha ciyaaraha ee kooxdaasi kadib markii uu dhamaaday heshiiska uu kooxda kula jiray Roberto Fernandez oo sadexdii sano ee la soo dhaafay ahaa agaasimaha ciyaaraha ee Blaugrana.

Barcelona ayaa sii wada isku dhafka shaqaalaheeda banaanka garoonka waxaana markan ay si rasmi ah shaaca uga qaaday in Ramon Planes uu noqon doono caawiyaha agaasimaheeda cusub ee Eric Abidal.

Ramon Planes ayaa ka soo dhaqaaqay naadiga Getafe halkaa oo uu ka ahaa agaasimaha ciyaaraha isagoo saxiixay heshiis sadex sano ah isla markaana doortay in uu ka hoos shaqeeyo xidigii hore ee France Eric Abidal.

MARCA ayaa sheegtay in heshiis ay horay u wada gaareen Ramon Planes iyo Barcelona,laakiin heshiiskaasi ugu danbeyn maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay.