Kooxaha kawada dhisan magaalada london ee Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa kuwada hardamaya baadi goobka lowgu jiro xidiga kooxda ka ciyaarta horyaalka Germany ee Goretzka kaas oo uciyaara Schalke sida laga soo xiganayo The Mirror .

Arsenal ayaa ku horeysay xiisaha xidga walow ay hada dib ugu soo biirtay tottenham oo iyadana muujisay sida ay ula dhacsantahay qaabciyaareedka xidigan uciyaara Schalke .

da’da xidiga waa 22-jir waxa uuna bartilmaameed unoqday labo kamid ah kooxaha ugu magaca ween ee ciyaara tartanka premier league , waxa ayna hada ugali doonaan dagal xoogan sidii lowgu dhaadhicin lahaa in uu yimaado magalada Lodon oo ay labadan kooxod ay ka dhisanyihiin.

waxaa kale oo jira kooxo qarad weenta Europe ka dhisan oo aad ubaadi goobaya xidiga heerka caalami ee udhashay xulka qaranka Germanay ,lkn Arsenal ayaa ah kooxda mudada dheer ku raad joogta.

waxa uu kuguda jiraa qandaraaskiisii ugu dambeeyey ee kooxda Schalke waxa uuna xidiga doonayaa in uu ka soo muuqdo horyaalka ugu xiisaha badan dunida ee premier league.