Tababaraha kooxda juvantus ayaa meesha ka saaray in uu aadi doono kooxaha Arsenal iyo Chelsea isagoo caddeeyay inuu sii joogi doono kooxda Juventus.

Allegri ayaa kooxdan kula guulestay horyaalkoodii toddobaad oo xariir ah sidoo kalena Coppa Italia ayuu maalmo ka hor gacanta ku dhigay.

Waxaa soo lalabatay in macalin kaan uu ku biiri doono kooxaha ingiriska gar ahan arsenal iyo Chelsea midkood xili  lawadaba raadinaya macalimin  cusub.

Arintaan waxaa ay noqotay mid inta badan uu shaki badan hareeyay, waxa uuna ugu dambeyn xaqiijiyay inuu sii joogay Juve xilli ciyaareedka soo aaddan.

“Hadii eeysan iburin wan sii joogi doonaa kooxda” sidaa waxaa yiri Allegri oo ka hadlayay  shirkiisa jaraa’id.

“Marki aan bilaawno xili ciyaredka cusub waxaan dhamanteen nahay kuwo aan heysan wax djibac ah sidaasi darted waa in aan ku celinaa bandhigeenii wanagsanaa ee aan sameynay hadda” sidaa waxaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Max Allegri.