Alisson Becker Oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Mari Doona Liverpool

0
157

Goolhayaha kooxda Rome Alisson Becker ayaa soo gaaray magaalada London waxaana uu u sii safri doona gobolka Merseyside si uu maanta tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Liverpool.

Alisson Becker ayaa soo gaabiyay fasaxiisa kadib koobka aduunka si uu go’aan uga gaaro mustaqbalkiisa ciyaareed waxaana maanta si rasmi ah u dhameystiri doonaa ku biirista kooxda ku ciyaarta Anfield.

Liverpool ayaa Becker ka dhigeysa goolhayihii ugu qaalisanaa kubada cagta waxaana ay kooxdiisa Rome u gacan galin doontaa lacag dhan 66 Milion taa oo ka dhigeysa goolhayaha reer Brazil in qiima ahaan uu ka sara maro xidiga Brazil ay kawada tirsanyihiin ee Ederson oo Etihad ka ciyaara.

Hadii Liverpool ay dhameystirto saxiixa Alisson Becker lacagaha ay xagaagan suuqa ku bixisay ayaa guud ahaan noqon doona 150 Milion kadib markii kooxda horay ula saxiixatay Fabinho, Xherdan Shaqiri iyo Naby Keita.

Si kastaba ha’ahaatee Liverpool Echo ayaa daabacday in Becker uu ka qeyb qaadan doono safarka Liverpool ee dalka Mareykanka isla markaana kulankiisa koowaad ee kooxda uu safan doono bilawga bisha August markaa oo Liverpool iyo Napoli kulan saaxiibtinimo ay ku ciyaari doonaan

Ugu danbeyn Becker ayaa la’aaminsanaa in midkood uu ku biiri doono kooxaha Real Madrid ama Chelsea,laakiin kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp ayaa si dar-dar hormar uga sameysay heshiis ay la gaartay goolhahaya reer Brazil.