Akhriso Fariinta Zlatan Ibrahimovic Ee Pual Pogba Kadib Guushii Koobka Aduunka

0
84
STOCKHOLM, SWEDEN - MAY 24: Zlatan Ibrahimovic of Manchester United is seen during the UEFA Europa League Final match between Ajax and Manchester United at Friends Arena on May 24, 2017 in Stockholm, Sweden. (Photo by Ian MacNicol/Getty Images)

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa aaminsn in Paul Pogba uu aamusiyay kuwa dhaliila kadib guushii koobka aduunka ee 2018.

Paul Pogba ayaa lagu amaanay qaab ciyaareedkii uu sameeyay ciyaarihii Russia,waxaana uu muujiyay sida uu u yahay xidig wanaagsan kadib markii xili ciyaareedkii la soo dhaafay uu ku dhibtooday la shaqeynta tababare Mourinho.

Zlatan Ibrahimovic oo ka soo garab ciyaaray Paul Pogba waqtigiisa Old Trafford aya sheegay in xidigii hore ee Juventus uu yahay midkamida xidigaha ugu sareeya ee ka xamaasha qadka dhexe.

“Waxaan la soo ciyaaray isaga (Pogba) labo sano,laakiin dadka qof walba ayey aragi qaldan ka bixin karaan”. Ibrahimovic ayaa sidaasi u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Mareykanka.

Zlatan Ibrahimovic oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Wey maxkamadeynayaan isaga laakiin natiijada ayaa hadleysa waqtigan,uma baahnida in  aad afkaaga ku jawaabto sababtoo ah cagahaada ayaad horay ugu jawaabtay”.

Si kastaba ha’ahaatee Paul Pogba ayaa fasax dheer qaadan doona maadaama uu mudo bil uu tababar iyo kulamo xasaasi ah ka soo qeyb qaatay,waxaana safka kooxdiisa uu dib ugu soo laaban doonaa bilawga sanad ciyaareedka cusub ee 2018/2019.

Ugu danbeyn Manchester United ayaa ku sugan dalka Mareykanka waxaana halkaasi ay kulamo ka tirsan tartanka Interntional Champions Cup ay kula ciyaari doontaa kooxo ay ku jiraan Real Madrid iyo Liverpool