Agaasimaha Juventus oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay kooxaha doonaya Alex Sandro

0
172

Agaasimaha kooxda kubada cagta ee Juventus Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxdiisa aysan is hor istaag ku sameyn doonin go’aanka ciyaariyahan Alexander uu kaga tagayo kooxda Juventus.

Ciyaariyahan Alexander ayaa aad loo hadalhayaa in u katagayo kooxda Juventus xagaagii ayuuna ku fashilmay in uu ku biro Chelsea laakiin agaasimaha Juventus ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hadii xidiga uu doonayo in uu baxo.

Blues ayaa la aaminsanyahay in ay dooneyso xidigan reer Brazil sidoo kale Manchester United ayaa xiiso fara badan xidigan maadaama tababaraha kooxdaasi uu aad ugu baahanyahay daafac ka ciyaara danbeedka bidix

Marotta ayaaa sheegay in diyaar ay u yihiin mar walba in ay sameeyaan waxa uu ku qanacsanyahay xidigooda isla markaana ay qadarin doonaan dalab walba oo xidigooda ka dhan ah ay soo dhaweyn doonaan.

Ciyaariyahan Alex Sandro ayaa ah daafac ku wanaagsan ka ciyaarista danbeedka bidix waxaana uu guulo fara badan la gaaray Juventus isagoo kooxdaasi ku soo biiray 2015 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Palermo ee horyaalka dalka Talyaaniga.